SAWIRRO: Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku qabtay qalab iyo ruux laga shakisanyahay

0

(Muqdisho) 18 Nof 2018 – Ciidamada amniga dowladdda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku dhigay qalab iyo ruux laga shakisan yahay oo watay qalabkaasi kadib howlgal ay sameeyeen ciidamadu.

Howlgalkaan oo ka dhacay xaafadda Nagayle ee degmada Kaaraan ayaa la sheegay in ciidamadu ay baaritaan ku sameeyey gurri halkaasi ku yaala, waxaana ay qabteen nin watay qalab kala duwan.

Mooboolo yar iyo fiilooyin ayay u badnaayeen walxaha laga shakinsanyahay, waxaana saraakiisha amniga gobolka ay sheegeen inay baaritaan ku hayaan ruux watay qalabkaas.

Ciidamo boolis ah oo u badan dhalinyaro ayaa lagu wareejiyay masuuliyadda amniga caasimada waxaana ay wax badan ka bedeleen xasiloonidii Magaaladda inkastoo mararka qaar kood ay dhacaan weeraro abaabulan.

Hadalsame Media