Jorginho oo aad ula dhacay bandhigga Talyaaniga & jaalnimada Verratti iyo Barella + Sawirro

0

(Milano) 18 Nof 2018 – Laacibka Jorge Luiz Frello Filho, Jorginho ayaa sheegay inuu aad usoo hagaagey bandhigga xulka Talyaanigu oo xalay 0-0 la noqday Portugal oo muddo dheer saarnaayeen.

Talyaaniga ayaa ciyaarta u wajaha isla qaabka Maurizio Sarri ee Sarrismo kaasoo ah qaab uu si wanaagsan u yaqaanno Jorginho oo Napoli iyo haatan Chelsea ku wehliya Sarri.

“Waxaa weli nagu yara adag inaan goolal dhalinno, balse runtii si aad u wanaagsan baannu u dheelaynay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay, jidkii saxda ahaa ayaana ku soconnaa, natiijada iyo goolashuna waa imanayaan haddii aan is dejinno,” ayuu kubad dhisahani u sheegay Rai Sport kaddib kulankii Nations League.

Jornginho oo Brazil u dhashay balse isagoo 15-jir ah Talyaaniga oo uu asal ahaan kasoo jeedo kusoo laabtay ayaa aad u amaanay jaalnimada khadka dhexe ee Marco Verratti iyo wiilka yar ee la qiray ee Nicolò Barella oo 21-jir ah iyo shaxda Roberto Mancini ee 4-3-3.

“Si wanaagsan baannu isula shaqaynaa, waanu is daboolnaa oo midba kan kale booskiisa ayuu buuxiyaa marka aannu weerar qaadno. Kaliya waxaan u baahan nahay in aanu sidaa ku wadno inta kale way imanaysaa.” ayuu raacshey.

Hadalsame Media