FARQIGA FAQRIGA: Ma la socotaa in 1% ay haystaan 82% hantida adduunka!

0

(London) 18 Nof 2018 – Xasaradda kala sarreeynta ayaa cirka isku sii shareertay, sida ay qabto daraasad ay samaysay khayriyadda Oxfam, 42 qof oo qura oo ka mid ah bilyineerrada dunida ayaa kaligood haysta hanti u dhiganta inta ay haystaan 50% dadka dunida ku nool.

Warbixin sanadeedka lasoo saaray ayaa sheegaysa in sanadkii tegey ee 2017 uu noqday midkii ay bilyineerradu ugu kororka badnaayeen taariikhda, iyadoo uu mid cusubi soo baxayay labadii maalmoodba, waxayna hantidoodu kordhaysay 13% min 2006 ilaa 2015.

Hantida dadka aadka u tadha’ey ayaa waxaa ku kordhay $762 bilyan muddo 12 bilood ah oo qura ilaa bishii Maarso 2017, lacagtaasoo todoba jeer tir-tiri karta guud ahaanba faqriga dunida oo idil.

9 ka mid ah 10-kii bilyineerba waa rag, guud ahaan bilyineerrada oo tiro ahaan gaaraya 2,043 oo qof.

Hadalsame Media