Duqeyn lala eegtay Idaacad ku hadasha afka ururka Al-Shabaab oo ka dhacday Jilib

0

(Muqdisho) 18 Nof 2018 Wararka laga helayo Magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah lala eegtay xarunta Idaacadda Andalus oo ku hadashay afka ururka Al-Shabaab.

Xarunta ugu weyn Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa ku taalay Magaaladda Jilib waxaana sida dadka deegaanku sheegeen lala eegtay duqeyn diyaaradeed oo aad u culus waxaana sidaasi sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya maanta oo Axad ah.

Duqeynta ayaa dhacday xalay saqdii dhexe hase ahaatee ma jiraan warar faahfaahfsan ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa loo maleynayaa inay weerarkaani ka dambeeyeen, hase ahaatee ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka ururka Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaan.

Hadalsame Media