SAWIRRO: Dhalinyaro fara badan oo ku biirtay ciidamada booliska si amniga caasimadda ay qayb uga qaataan

0

(Muqdisho) 18 Nof 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeeraray xarumo ku yaala magaalada Muqdisho halkaas oo lagu diyaarinayo ciidamo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan ammniga.

Ciidamadaan oo ah dhalinyaro ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin tababarka ay ku jiraan, sidoo kalana ay doonayaan markii ay dhamaystaan inay u adeegaan dalkooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay ciidamadaan inay si wanaagsan u dhamaystaan tababarka, isagoo sidoo kale saraakiisha ku dhiira galiyay inay la socdaan xaalada dhalinyaradaan.

Hadalsame Media