(Bayruut) 18 Nof 2018 – Barnaamijkan wuxuu ka baxay muuq baahiyaha Lubnaan ee LBC. Waxaa ka dhex muuqday dumar aabayaashood yihiin Lubnaaniyiin balse hooyooyinkood ay ajaanib yihiin.
Waxaa ay ka waramayaan sida bulshada dalkaasi ugu cunsuriyeeyso midabkooda maariinka ah, iyagoo qaarkood ugu yeera “adoon. Shucaa waa Lubaaniyad balse hooyadeed tahay soomaaliyad oo Illaahey qurux u dhameeyey.
Shucaa, waxay ka warrameeysaa sida bulshada dalkaasi tahay xitaa haddii jiil cusub abuurmay, oo ay ahayd bay leedahay inay noqdaan dad furfuran oo caalamka la socda marka la eego casriga lugu jiro sida shacuubtu isku bedeshey.
Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali Kaar
Hadalsame Media