
(Washington, DC) 18 Nof 2018 – Hilinka CNN ayaa guul hordhac ah ka gaarey Aqalka Cad oo weriyohooda u diidey inuu galo Aqalka Cad, kaddib markii uu Garsoore Timothy Kelly, oo uu isla Trump u magacaabay Maxkamadda Degmada Columbia oo ah Washington, uu CNN u xukumay in weriyohooda loosoo celiyo kaadhkiisii.
Weriyaha CNN ee Aqalka Cad ee Jim Acosta ayaa loo diidey inuu galo gurigaasi iyadoo lagala wareegay kaadhkiisii taasoo keentay in CNN-ku dacweeyaan Aqalka Cad, waxaana dacwada sidoo kale ku jirta in weriyaha loo diidey inuu su’aalo waydiiyo madaxwaynaha iyo meel ka dhac loo gaystey hilinkaasi todobaadkii tegey.
Haatan waxaa sidaa lagusoo celiyay xuquuqdii Acosta ee Aqalka Cad balse weli waa socotaa dacwaddu iyadoo ay Aqalka Cad laftoodu isku deyayaan inay go’aankooda difaacaan, taasoo ay saxaafadda Maraykanku inta badan ku tilmaamayso mid aysan ku guulaysan karin.
Hadalsame Media