”Ciyaar noocan ah kama filayn Talyaaniga!” – Macallinka Portugal oo qiray qaab-ciyaareedka Talyaaniga + Sawirro

0

(Milano) 18 Nof 2018 – Macallinka Portugal ee Fernando Santos ayaa qirtay inay xalay ka yaabisay qaab-ciyaareedka Talyaaniga oo uu sheegay “inay dhibaato wayn u gaysatey.”

Xulka Azzurri oo dib isu qaabayn ku jira kaddib bixitaanka raggii hore ayaa gebi ahaanba cusub, waxaana laacib 30 gaarey uga jira labada daafac ee Bonucci iyo Chiellini.

“Way nagu silciyeen dhibicdaasi. Haddii la igu cabbiro mashiinka dhiig karka cabira, dhibaato ayaa la arki lahaa …” ayuu yiri Santos oo ciyaarta kaddib hadlayay.

“Qorsheheennu ma ahayn inaan difaac galno, balse xaaladda ay Talyaanigu abuureen ayaa nagu khasabtay inaan gadaal ku ururno. Waxay noo ahayd waaya aragnimo cashar u ah koritaankeenna.

“Waxay ahayd ciyaar adag, oo aad uga adag wixii aannu filaynay. Xitaa inaan difaactanno waa nagu adkaatay, taana waxaa ugu wacnaa Talyaaniga oo ciyaarta gacanta ku hayay annagana dib noo celiyay oo gadaal nagu musmaaray.” ayuu yiri.

Yeelkeede, Portugal oo haatan usoo baxay 4-ta dambe ee UEFA Nations League kaddib barbarrihii xalay ee San Siro ee 0-0 ku dhamaatay ayaa Talaadada waxay kulan asal ma doorshe ah la ciyaaraysaa Poland oo ay ku arkayso Guimaraes, Portugal.

Hadalsame Media