(New York) 18 Nof 2018 – Booliiska jooga xuduud beenaadka Kenya-Somalia ayaa la sheegay inay gudaha u daayeen ilaa 5 dagaallame oo Al-Shabaab bishii Febraayo ee sanadkan kaddib markii ay laaluush ka qaateen, sida ay sheegayso QM.
QM ayaa warbixintan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada amaanka ee Kenya ay laaluush iyo haddiyado ka qaataan taasoo mararka qaar aan ka badnayn Sh2,000 oo shilin, si ay gudaha qaraxyo iyo weerarro uga sameeyaan.
Warbixinta Somalia Report 2018, oo ay Talaadadii soo saareen kooxda indha indhaynta Somalia iyo Eritrea (SEMG), ayaa arrintan lagu xusay, waxayna arrintani walaac badan ku abuuraysaa waxa ay sameeyaan ciidamada Kenya ee jooga gudaha Somalia oo iminkaba ka lacagaysta dhuxusha mamnuuca ah iyo badeecooyin badan oo koontarobaan ah oo kasoo degta Kismaayo.
Dowladda Somalia oo lafteeda ay warbixintu ku eedaysay in hub iyada usoo degey uu u gacan galo gacmo 3-aad ayaan arrimahan weli ka hadlin, iyadoo ciidamada Afrikaanka ah ee jooga gudaha Somalia marar badan lagu eedeeyo inaysan daacad ka ahayn nabad ka islaaxda dalkaasi.
Hadalsame Media