(Washington, DC) 18 Nof 2018 – Aqalka Cad ayaa doonaya inuu Turkiga sida ay doonayaan u yeelo iyagoo aqbalaya dalabka Recep Erdogan si ay Turkiga uga furfuraan Sucuudiga oo ay ku shidanayaan dilka Jamal Khashoggi, sida ay sheegeen saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulkaasi.
Maamulka Trump bishii tagtay la sheegay inay bilaabeen inay raadiyeen nidaam sharci ah oo ay Turkiga ugu wareejin karaan Fethullah Gulen si ay Turkiga uga dhaadhiciyaan inuu cadaadiska ka qaado dowladda Sucuudiga oo qirtay khaarajintii Khashuuqji.
Tillaabooyinka waxaa ka mid ah mid ay qaadayso Waaxda Cadaaladda iyo FBi-da oo dib u fura kiiska dhiibitsa Gulen, iyadoo Waaxda Amaanka Qaranka la waydiinayo qiyamka sharciyadda uu ku joogo Maraykanka.
Waxaana durba soo baxday in Gulen uu Maraykanka ku degan yahay Kaadhka Cagaaran, sida ay sheegeen laba nin oo arrintiisa la socda. Wuxuuna gobolka Pennsylvania ku noolaa tan iyo 1990-kii.
Hadalsame Media