Aaway Xasaannadii Xildhibaanka, Maxaa sidaan loogu galay?

0

(Muqdisho) 18 Nof 2018 – Ciidamada amniga ayaa la arkay iyagoo qadaan-qadinaya Alfred Yetakom oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kaasoo loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah The Hague.

Xildhibaankan ayaa lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadanimada waxaana xabsiga loo taxaabay bishii lasoo dhaafay ka dib markii gudaha baarlamaanka dalkaasi uu khilaaf iyo fowdo ka dhex kiciyay

Alfred Yetakom  ayaa Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku soo oogtay inuu mas’uul ka ahaa falal ay ka mid yihiin dil, jirdil iyo weeraro ka dhan ahaa dadka rayidka ah iyo inuu sidoo kale carruur yar yar askareeyay.

Xiligaas waxaa uu hoggaaminayay Maleeshiyo Masiixiyiin ah, kaddib markii talada dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe la wareegeen muslimiinta sanadkii 2013.

Alfred ku biiray xildhibaanada Baarlamaanka Afrikada dhexe labo sanno kahor, waxaana markaas saarnayd xayiraad ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay.

Hadalsame Media