(Muqdisho) 17 Nof 2018 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda dowladda Soomaaliya Federaalka ayaa ka qaybgalaya shir aan caadi ahayn oo midowga Afrika ku yeelanayaan Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa inuu ka furmayo shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Ururka Midowga Afrika,waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka sida ay sheegayaan warar uu helay warsidaha Hadalsame Media
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale ka baaqday ka qeybgalka shirkaan waxaana markii labaad Soomaaliya ku matalaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed
Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadli doonowaxaa ka mid ah isbedelo lagu sameynayo qaabka dhismeedka Ururka Midowga Afrika waxaana Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika sanadkaan shir guddoominaya Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame.
Hadalsame Media