(Muqdisho) 17 Nof 2018 – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay tuulada Golangole oo qiyaastii 80km u jirta degmada Guriceel halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamada Galmudug iyo kuwa ururka Al-Shabaab.
Goojoogayaal ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay tuuladaasi uu sababay dhimashada dad ku dhow 15 ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay.
Daddkii ku noolaa tuuladaasi ayaa isaga barakacay waxaana jira saaka cabsi taasi oo ku aadan in markale ay dagaalamayaan dhinacyadan hubeysan.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe ay la wareegtay tuuladaasi kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii weerarka markii hore soo qaaday ee Galmudug.
Hadalsame Media