(Muqdisho) 17 Nof 2018 – Maanta waxay ku beegantahay xiligii loo asteeyay in la qabto doorashada maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya iyadoo la filayay in la doorto Madaxweynaha Maamulkaasi hase ahaatee dib ayaa ayey u dhacday.
Sababaha ugu weyn ee dib u dhaca doorashada ayaa ah is casilaadii xubno ka mid ahaa guddiga doorashada waxaana xubnaha guddigaas oo ka koobnaa markii hore 27 hadda ka diyaar ah 12 xubnood oo kaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Koofur Galbeed Cabdi Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ahna kusimaha madaxwayneha koofur galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday Magaalada Baydhabo
Shirarkaasi waxaa looga hadlay sidii loo Magacaabi lahaa xubnaha gudigga doorashada ee Maamulka Koofur Galbeed, waxaana jira is faham waa u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda maamulkan taasoo la xiriira magacaabista guddiga doorashada.
Si kastaba ha ahaatee 28 bishaan ayaa la filayaa in doorashada koofur galbeed la qabto. Waxaa ay ku soo beegmaysaa xili dhawaan uu hoggaankii maamulkaasi isaga tagay Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Hadalsame Media