Maxkamadda Yurub oo ‘dembi ka dhigtay’ in la aflagaaddeeyo Nabi Muxamed (NNKH)

0

(Strasbourg) 17 Nof 2018 Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR) ayaa soo saartay xeer cusub oo mamnuucaya in loo gefo Nabi Muxamed (NNKH) iyadoo lagu gabbanayo ‘xoriyatul qowl’, waxayna maxkamaddu taa ku tilmaantay dembi la isku ciqaabi doono.

Maxkamadda ayaa arrintan ku khasbanaatay kaddib markii ay haweenay Austrian ihi ay dhowr siminnaar ku caayday Nabiga (NNKH) 2009-kii, waxaa sidoo kale jirey kiisas badan oo noocaas ah sida sawir-gacmeedyo iwm.

Guddi garsoor oo ka kooban 7 garsoore ayaa ugu dambayn xukumay in cid kasta oo aflagaaddaysa Nabiga (NNKH) uu ka gudbayo xadka loo calaamadeeyay dood kasta oo moowduuci ah, isla markaana uu sababayo cadaawad kala gasha bulshada iyo amaanka diineed oo luma.

Waxay maxkamaddu sheegtay in hadalka haweenayda Mrs. S’ aanu ka tarjumaynin hab-raac kasta oo u degsan xoriyadda hadalka, isla markaana uu si wadareed u weerarayo Muslimiinta iyadoo aan warka lagu dhisin xaqiiqooyin sal muuqda leh.

Haweenaydan ayaa waxaa horay dacwad ugu qaadday maxkamad Austrian sanaddii 2011 taasoo ku heshay inay qiyam xumaysay diinta Islaamka iyadoo ku xukuntay bixinta 480 Euro oo ganaax ah.

Hadalsame Media