(Addis Abeba) 17 Nof 2018 – Kaddib markii ay waraaqohooda eegeen askar uu daal ka muuqdo oo Eritrean ah waxay dib ugu laabteen caasi yar oo ka keenay magaalada Mekelle ee gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, kaasoo u sicda dhanka Asmara. Isla markii ay dhaqaaqeen waxaa dhanka kale u waydaartey bas kale.
Waa muuqaal aan xitaa lagu fikiri jirin muddo yar uun kahor. Kaddib 20 sano oo ay kala xirnayd waxaa bishii Luulyo dib loo furay xuduudda labada dhinac oo xirnayd tan iyo dagaalkii Badme ee 1998-kii.
#Eritrea–#Ethiopia peace leads to a #refugee surge: https://t.co/4pywZi0rkn “This lack of restrictions is being embraced by people on both sides, but the sudden freedom of movement has also seen a surge in asylum seekers crossing in search of new lives…” (@irinnews)
— Addis Standard (@addisstandard) November 17, 2018
Yeelkeede, dadka Eritrean-ka ah oo weli ka baxsanaya nolosha uu horseedka ka yahay Isaias Afwerki – sida qafaal khasab ah, waajib qaran oo aan waqti go’an lahayn, xorriyadda hadalka oo aan weli jirin iyo isbedellada dhanka kale ee Itoobiya ayaa keenaysa inay dad badani isu waydaartaan labada dal.
Waxaana durba culayska dareemay gobolka Tigraay oo ay kusoo qamaameen Eritrean badan oo markiiba megen gelyo waydiisanaya Itoobiya oo durba haysa qaxooti gaaraya 175,000 oo Eritrean ah oo ku sugan Ethiopia oo saasooy tahay weli ku adkaysanaysa siyaasadeeda cusub ee xuduuda furan.
Culays sii koraya
In ka badan 15,000 Eritrean ah ayaa xadka soo dhaafay tan iyo bishii Sebtembar oo qura, sida ay sheegeen saraakiil Ethiopian ah, kuwaasoo ay intooda badani is dhiibeen: bartamigii bishii Oktoobar oo qura waxaa is dhiibtey 10,000 sida ay qabto UNHCR.
Ethiopia ayaa horay u marti gelinaysay qaxooti ka badnaa ilaa 900,000 oo qofood oo ay Eritrea ka ahayd dalka 3-aad ee ugu badan.
Haddaba, arrintan ayaa keenaysa inay Somalia oo aan iminka lahayn cid hubisa wixii soo gelaya ama ka baxaya dalkeeda aysan ugu yaraan farsamo ahaan diyaar u ahayn inay ciyaarto siyaasad xuduud furis ah, inta uu dalku ka yeelanayo nidaam ka wada arrimiya oo dhexe, gaar ahaan marka ay deris kula tahay Itoobiya oo 20 jeer la eg Eritrea.
Hadalsame Media