ITALY VS PORTUGAL: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 17 Nof 2018 – Waxaa caawa fiidkii kulan adag oo ka tirsan UEFA Nations League, oo ku qabsoomaya gegada San Siro ku ballansan labada kooxood ee Talyaaniga iyo Portugal, iyadoo ay Talyaanigu doonayaan inay kaalinta 1-aad ee guruubka ku qabsadaan xulka martida ah.

Dhanka Talyaaniga: Waxaa dhaawac muruqa ah ku baxay daafaca Romagnoli oo ka tegey xerada tababarka Coverciano, taasoo jug xun ku noqonaysa kooxda Milan oo noqotay kooxda aambalaasta, waxaana booskiisa loo yeerey Bernardeschi, Mancini ayaa kusoo noqonaya dheelsiinta 9 caadi ah, waxaana ugu cad cad Immobile.

Dhanka Portugal: Waxaa hal boos oo kubad qaabaynta ah isku haysta Bruno Fernandes iyo Pizzi. Macallin Fernando Santos ayaa Bruma ka door bidaya Bernardo Silva waxaana weerarka dhexe ku gaar ah qannaaskii Milan ee André Silva.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • SIRIGU, RUGANI, DE SCIGLIO, E.PALMIERI, PELLEGRINI, SENSI, GAGLIARDINI, BERARDI, LASAGNA, PAVOLETTI, POLITANO
  • BETO, RAMOS, SOARES, GUERREIRO, NETO, FONTE, SANCHES, J. MARIO, PEREIRA, PIZZI, BRUMA, GUEDES

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Romagnoli

Hadalsame Media