(Muqdisho) 17 Nof 2018 – Hay’adda sirdoonka Maraykanka CIA ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed Bin Salaam uu bixiyay amarkii lagu khaarajiyay weriye Jamaal Khashuuqji.
Shirqoolka lagu dilay laguna jar jaray meydkiisa Weriye Jamaal ayaa ugu dambeyntii lugaha la galay amiirka Sucuudiga Maxamed Bin Salaam,waxaana taasi walaac cusub ku abuurtay guud ahaan caalamka.
Weriyeha oo bishii Oktoobar lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Istabuul, Turkiga ayaan illaa hadda meydkiisa meel lagu sheegin.
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka gaar ahaan laanta CIA-da ayaa sheegay in kalsooni badan ay ku qabaan warbixinta hay’adda ee kiiska dilka si toos ah ula xiriirinaysa dhaxal sugaha Sucuudiga.
CIA-da ayaa ogaatay in 15 xubnood oo ka tirsan sirdoonka Sucuudiga oo bishii Oktoobar tagay Turkiga ay fuliyeen dilka Weriye Khashuuqji.
Safiirka Sucuudiga u fadhiya Maraykanka Khalid Bin Salaam oo la dhashay dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa iska diiday eedahaan cusub.
Khalid Bin Salaam ayaa sidoo kale la sheegay in Weriye Jamaal Khashuuqji uu isagu ku shukaamiyay inuu Turkiga aado oo uu u doonto waraaqaha ogolaanshaha guurkiisa, taasoo la sheegayo inay ahayd dabin loo dhigay Weriyaha.
Yeelkeede, Khalid Bin Salaam ayaa iska fogeeyay tuhun kaasi waxaana uu sheegay in bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay fariin qoraaleed is dhaafsadeen weriye Jamaal iyo isaga, xiligaasna uusan marnaba u soo jeedin in weriyuhu u safro Turkiga.
Hadalsame Media