BAHDIL MAAMUUS: Dad badan oo ay u cuntami wayday wejiga diblomaasiyadda Maraykanka ee Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 17 Nof 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee ay Dowladda Mareykanka usoo magacawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Maraykanka oo ka mid ah dalalka kunteenarrada dhigtay xaafad-beenaadka Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sida sawirka ka muuqata madaxwaynaha halkaa ku guddoonsiiyay warqaddiisa aqoonsiga, taasoo ka dhigan inaanu danjirahani ogolayn imaanshiyaha Madaxtooyada Qaranka, sidaa darteed ”safaaraddiisii” waraaqaha looga guddoomiyo, taasoo noqonaysa bahdil dhanka maamuuska ah.

Arrintan ayay dadku ka bixiyeen falcelinno isku dhafan, oo qaar baa ku doodaya in dantaada masallo eey loogu seexdo, maaddaama uu Maraykanku yahay dal muhim u ah soo kabashada dalka Somalia ugu yaraan siyaasad ahaan, maaddaama uu Maraykanku yahay cudud wayn oo caalamka door horseed ah kaga jirta.


Yeelkeede, qaar kale ay qabaan in dalalka Galbeedku aysan daacad ka ahayn dhiirri gelinta dowladnimada Somalia, iyagoo tusaale usoo qaadanaya dalal uu Turkigu ka mid yahay oo safaaradda Afrika ugu wayn ku leh Muqdisho, halka reer Galbeedku aysan xitaa ku shaqaynin kunteenarrada u yaalla Xalane, isla markaana ay mar kasta soo saaraan digniinno ay ku sheegaaan inaan ”Somalia loo safri karin iwm”.

Waxaa intaa dheer Maraykanka oo Somalia ku daray dalal uu si cad uga mamnuucay inay dalkiisa soo galaan, waxayna ku doodayaan inay dowladda Somalia mowqifkeeda u caddayso Maraykanka, halkii ay ka aqbali lahayd bahdil joogto ah oo aan biddaal muuqda lahayn.

Hadalsame Media