Arsenal oo Inter lasoo gashay hardanka loogu jiro ”Materazzi-ga cusub!”

0

(Milano) 17 Nof 2018 – Kooxaha Inter iyo Arsenal ayaa sida la sheegayo hoggaaminaya hardanka loogu jiro dambeedka soo baxaya ee Atalanta ee Gianluca Mancini, oo lagu naanayso New Marco Materazzi.

Daafacan ayaa gool dhalinayay kulan kasta kulamadii 3-da haa ee ugu dambeeyay Serie A, kuwaasoo ay ku jirto ciyaartii ay 4-1 ku garaaceen kooxda Inter. Wuxuu dhowaan sheegay in dhamaanba xubnaha qoyskiisu ay Inter taageeraan isagoo leh taatoo uu ku qoran yahay lambarka Materazzi oo uu ku daydo.

Sida ku qoran Tuttosport, Atalanta ayaan diyaar u ahayn inay dirto 23-jirkan ugu yaraan bisha Jannaayo, balse waxay diyaar u tahay wixii wada hadal ah xagaaga.

Inter ayaa ugu cad cad, ahna naadiga uu door bidayo balse Gunners ayaa dagaalka soo geli karta iyadoo sababi karta dagaal dhanka gorgorada ah.

Hadalsame Media