(Ortona) 16 Nof 2018 – Haweeney 68 jir ah oo deggan magaalada Ortona ayaa waxay xeebta lagu magacaabo Cintoni di Ripari u aaday inay ku soo qondhaceysato nasiib xumo waxaa halkaas gacan ugu qaaday wiil soomaali ah kaddibna kufsaday.
Ganacsatadii xeebta makhaayadaha ku lahayd waxay u waceen ciidanka booliiska ee Carabinieri-ga loo yaqaan kaddibna waa la qabtay.
Wiilkan kufsiga gaystey oo la sheegay inuu khamraysnaa magaciisana lagu sheegay Saleeban N Shuceyb waxa uu Talyaaniga yimid sanadkii hore, iqaamaddana waxaa la siiyey isla bishii hore ee Oktoobar sanadkan oo ah middii iminka lasoo dhaafay.
Wiilkan 20 jirka ah ee waloow uu qiyam qaxootini leeyahay misna magaaladan uu falka ka gaystay ee Ortona ku ma laha wax adrees ah. Xariga wiilka waxaa amray dacwad-ooge lagu magacaabo Giuseppe la Falasca waxaana loo gudbiyey xabsi ku yaalla magaalada Chieti.
Arrintan ayaa weji gabax ku noqotay Soomaalida ku dhaqan Talyaaniga.
Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed
Hadalsame Media