Sidee WERIYE aan af-Soomaaliba garanayni wax u gudbin karaan?!

0
Print journalist's recording device, fountain pen, glasses and note pad

(Hadalsame) 16 Nof 2018 – Xirfadda saxaafaddu wax ay leedahay dhinacyo badan oo qof waliba ta uu ku habboon yahay ka geli karo. Ma aha qof waliba ta uu doonayo, waayo doonistu wax aadan ahayn kaa ma dhigto.

Wax aad noqon kartaa filinqaade, codqaade, sawirqaade, barnaamij soosaare, tebiye, xidhiidhiye, maqaal qore iwm. Xogta hadalka ama qoraalka la gu tebinayo in aqoonteeda xirfadeed la yeesho ka sokow waxaa shardi ah in aad ku xeeldheer tahay luqadda aad xogta ku gudbinayso.

Tusaale ahaan wariyaha warka akhriya waxaa loo ga baahan yahay codkarnimo iyo hadal aqoonnimo uu hadalka ku hagaajiyo maqalka iyo maskaxda dhegaystahana soo jiito.

Sidaas bay ahaan jirtay warbaahinta Af Soomaaliga ku hadashaa. Laakiin beryahan dad badan oo ka hadla raadiyowyada iyo telefeeshinnada waxaad mooddaa meesha in ay af barasho u yimaaddeen.

Waa maxay sababtu? Cidda shaqada u diratay maxaa baday qof aan afkiiba hagaag u gu hadli garanayn ama qori karayn?

Qalinkii: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media