(Milano) 16 Nof 2018 – Sharikadda reer Jarman ee gawaarida raaxada farsamaysa ee BMW ayaa dhiggeeda Kuuriyaanka ah ee KIA kula dagaallamaysa iidhehda dhanka gawaarida ee AC Milan.
Kaddib kala xarig furashadii Audi, kooxda Rossoneri ayaa raadinaysa Sponsor dhanka gawaarida ah, waxaana beryihii dambe la hadal hayay sharikadda South Korean-ka ah ee KIA oo ka tirsan guruubka Hyundai taasoo ay saami ku leedahay Elliott oo ah hay’adda iska leh AC Milan.
Yeelkeede, sida ku qoran Tuttosport jeer ay wada hadalladu meel wanaagsan marayeen ayaa waxaa mar qura soo booddey camaaliqada gawaarida samaysa ee BMW oo doonaysa inay Milan jaal la noqoto, iyadoo durba ka cad cad KIA.
Arrintan ayaa Milan u noqonaysa iidheh heer sare ah maaddaama ay BMW ka mid tahay sharikaadka ugu caansan uguna tayada badan marka laga hadlayo gawaarida iyo mootooyinka.
Isku qabsiga labada shirkadood ayaa muujinaysa inay Milan kusoo noqotay muhiimaddii ay ku ladahayd dhanka suuqa brand ahaan. Waxaase labada dhinac kala saaraya tibxaha heshiiska iyadoo ay Milan dooran doonto middii ay danteeda dhaqaale ku jirto, waana arrin uu durba malafkeeda gacanta ku hayo Agaasimaha Guud ee Ivan Gazidis, oo maamulka Rossoneri la wareegaya 1-da Diseembar.
Waxaa heshiis dhaca la filayaa dabayaaqada sanadkan ama horraanta sanadka xiga ee 2019.
Hadalsame Media