(Washington, DC) 16 Nof 2018 – Hindise sharciyeed cusub oo yaalla aqalka Senet-ka ee Koongarayska Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu mamnuuci doono hub laga iibin lahaa Sucuudiga iyo saliid siinta dayuuradaha duqaynaya Yaman, taasoo looga gol leeyahay in lagu ciqaabo dalkaasi, kaddib dilkii Kashuuqji, sida la yiri.
Guddiga Xiriirka Dibedda ugu qaybsan aqalkan oo uu hoggaamiyaan Bob Menendez (D-New Jersey) iyo Lindsey Graham (R-South Carolina) ayaa keenay xeerka oo la yiraahdo “Saudi Arabia Accountability and Yemen Act of 2018.” Kaasoo ay diyaariyeen 3 Dimoqraadi ah iyo 2 Jamhuuri ah.
Menendez, oo ah ninka ugu sarreeya Dimoqraadiga guddigan ku jira ayaa sheegay in aanay ku fillayn cunaqabatayn uu maamulka Trump saaray 17 qof oo Sucuudiyaan ah Khamiistii, balse loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyo dilka Jamal Khashoggi, isla markaana Riyaad lagu cadaadiyo joojinta dagaalka Yaman.

Yeelkeede, isla Senet-ka ayaa diidey qorshe lagu baahin lahaa hub kale oo laga iibin lahaa dalka Baxrayn, taasoo tillaabadan lafteeda ka dhigaysa mid uun dunida la maqashiinayo sida ay qabaan gayfanayaal arrintan saluugsan, waloow uu is bedeley miisaanku maadaama ay Aqalka Wakiillada la wareegeen Dimoqraadigu.

Hadalsame Media