Guddoomiye Yariisoow oo eeday qoraal uu sameeyay oo aad loogu dhaliilay! (Maxaa dhacay?)

0

(Muqdisho) 16 Nof 2018 – Guddoonka Gobolka Banaadir ayaa dhaleecayn kala kulmay barta Twitter-ka kaddib markii uu sameeyay Tweet uusan sida muuqata laba jeer ka fikirin oo ku saabsan siyaasadda dal kale, jeer uu yahay guddoomiyaha caasimadda dal dhan oo ah Somalia.

Wuxuu soo qoray sidatan: ”Waxaan ka mid ahaa 48% u codeeyay in Yurub laga sii mid ahaado, si kastaba, waa inaan taageernaa qorshaha ee Brexit maadaama ay sharaftay ballanteedii dadka iyo aragtideeda danta qaranka UK. Aan horay u soconno oo yaynaan dib u ugu noqonin bilowga.”

Arrintan ayaa caawinaysa kiiska dadka qaba inaanba jago qaran Somalia laga siinin qof haysta laba jinsi, iyagoo ku doodaya in sida qoraalkan ka muuqata uu guddoomiyuhu ilaalinayo ama ku mashquulsan yahay danaha dal kale, balse uu ilaawey midda dadka uu haatan xilka u hayo.

Hiba Shookari ayaa soo qortay: ”Aan horay u soconno? Markii iigu kaa dambaysay waxaad ahayd Duqa Muqdisho.”

Nin Cisaaf la yiraahdo baa eedda saaray labada jinsiyadood ee ay madaxdu haystaan, balse Yuusuf Cabdi ayaa ugu jawaabey inaysan dhibaatadu jinsiyadaha la haysto ahayn ee ay tahay fikirka qofka oo laga doonayo inuu diiradda saaro shaqada markaa u taalla ee uusan noqonin qof aan kala jeclayn.

Mohamed baa soo qoray: ”Mudane haddii aad British tahay amaan na sii oo dalkeenna noo dhaaf.”


Hadalsame Media