(Hadalsame) 16 Nof 2018 – Kaddib burburkii nidaamkii dhexe ee millateriga ahaa oo gacan bir ah ku hayay madax bannaanida hadalka waxaa mar qura xarka goostay saxaafadda Soomaalida oo heshay xornimo aysan horay u haysan jirin oo asaasi ah.
Yeelkeede, waloow ay xorriyadda saxaafadduu tahay xaq ka mid ah xuquuqul insaanka waxaa in badan xadgudubyada saxaafadda loo gaysto barbar socda mid ay iyadu gaysato, sida iyada oo la iska qoro warar aan hubbanayn, qaar la allifo, dad la iska qadfo, warar lacago lagu qaato oo aan lahayn qiyamkii saxaafadeed, qabyaaladda oo lagu lug yeesho, qabiillada oo la isku diro, danaha qaranka oo aan la ilaalinin, mabda’ iyo hab-raac lagu shaqeeyo oo aan jirin iwm.
Haddaba, dooddan waxaa wadaagaya Weriye Caydiid Cabdiraxmaan oo Muqdisho jooga iyo Maxamed Xaaji oo ku nool magaalada Gothenburg, Sweden. Dooddan oo ay qabatay VOA waxaa qaybinaya weriye Nuur Bukhaari ee hoos ka dhegeyso.
Hadalsame Media