Danjirihii Turkiga oo la sagootiyay & mid cusub oo lasoo magacaabay!

0

(Ankara) 16 Nof 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa danjire cusub usoo magacaabay Somalia oo ka mid ah dalalka jaalka dhow la ah Turkiga dhanka qaaradda Afrika.

Wareegto kasoo baxday madaxweyne Erdogan ayaa soo magacaabay danjire Mehmet Yılmaz oo horkici doona qorshaha diblomaasiyadeed ee Turkigu ka leeyahay Somalia.

Mr. Yılmaz ayaa beddeli doona Olgan Bekar oo xilkaa Somalia ka hayey muddo 4 sanadood ah tan iyo 2014, waxaana danjiraha cusub la dhowrayaa maalmaha soo socda oo uu imanayo safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

RW Somalia Xasan Cali Khayrre ayaa shalay si gaar ah ula kulmay danjiraha xilka ka tegaya oo uu uga mahad celiyay doorka uu ka qaatay wanaajinta xiriirka labada dal oo haatan uu aad u kobcayo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya.

Hadalsame Media