(Atlanta, GA) 16 Nof 2018 – Hilinka bidixda u janjeera ee CNN ayaa sheegay inay maxkamad la fuulayaan Aqalka Cad oo ay sheegeen inay ku gefeen xaqa uu siinayo Xeerka 1-aad ee First Amendment ee Dastuurka dhexe ee Maraykanku.
CNN ayaa daba socda arrinta weriyaha CNN ee Aqalka Cad, Jim Acosta, oo loo diidey inuu cagta soo dhigo gurigaasi, kaddib markii ay doodeen isaga iyo madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump oo aad u cambaareeyay CNN, isagoo xitaa gaarey inuu makaroofanka ka qaado isagoo adeegsanaya gabar ka tirsan kaaliyaashiisa.
CNN ayaa sheegay in haddii ay arrintan ka haraan ay sharciyaynayaan inay weriyayaasha loo gacan dhaafo shaqadooda, loo hanjabo, la cabsiiyo ama xitaa la dilo sida dalalka qaar ka dhacda.
”Waloow ay dacwadani ku gaar tahay CNN iyo Acosta, misna cid kasta ayay ku dhici kartaa, haddii aan laga hortegin, falalka Aqalka Cad wuxuu saamayn xun ku yeelan karaa weriye kasta oo war ka sameeynaya madaxdeenna la doortay.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay CNN.
Halkan hoose ka daawo qarreenka CNN-ku dacwaddan u qabsaday ee Ted Olson oo arrinta ka warramaya.
Hadalsame Media