DAAWO: Shiinaha oo dunida uga yaabsaday dayuurado casri ah oo uu isagu sameeyay! + Sawirro

0

(Zhuhai ) 16 Nof 2018 Dalka Shiinaha ayaa soo bandhigay laba dayuuradood oo casri ah oo ah nooca guuxooda ka dheereeya oo lagu kala magacaabo J-10B iyo J-20 taasoo ay ku muujiyeen cududdada farsamo ee ay yeelanayaan, iyadoo la sheegay inaysan hadda kaddib u baahnayn inay dalalka kale koobiyeeyaan maaddaama aan meelaha qaar dayuuradahan wax u dhigmaa jirin.

Millateriga Shiinaha ayaa dayuuradahan kusoo bandhigay Zhuhai Airshow oo ka dhacay magaalada Zhuhai ee gobolka Guangdong oo dhaca koonfurta dalkaasi, balse labadan dayuuradood ayaa aad usoo jiitay daawatada, waayo waxay muujiyeen waxa ay samayn karaan dayuuradaha casriga ah ee dalkaasi sameeyay.

Dayuuradda J-10 ayaa qaalma rogadyo badan samaysay, halka midda sii casrisan ee J-10B ay xitaa sidato matoor Shiine samays ah halkii awal ay Ruushku matoorka lahaan jireen, taasoo waa cusub u noqonaysa Beijing oo cayrsanaysa inay qiyam sare ku yeelato awoodda adduunka.

Hadalsame Media