Xeer-Ilaalinta Sucuudiga oo si daqiiq ah u faahfaahisay dilka Khashuuqji (Dul-duleello durba ka muuqda dabuubtooda!)

0

(Riyaad) 15 Nof 2018 – Xeer Ilaalinta nidaamka Aal Sacuud ayaa maanta si faahfaahsan markale uga hadlay khaarajintii Khashuuqji, iyagoo sheegay wax kiciyay su’aalo ka badan inta uu ka jawaabay.

Waxay yiraahdeen xeer-ilaalintu: “Shan nin bay ahaayeen ciidanka Sacuudiga la ga diray ee Khaashuqji Turkiga ku dilay. Waxaa diray kuxigeenka sirdoonka. Wax ay ahayd Khaashuqji in ay ku soo qanciyaan ku soo noqoshada dalka, laakiin hoggaamiyihii kooxda ayaa amray in la dilo oo la jarjaro. Qunsuliyadda ayuu ka dhex dhacay legdan iyo gacankahadal, dabadeed Khaashuqji waxaa la gu muday irbad suuxiso ah oo aad u tan badan, sidaas buuna ku dhintay.

”Maydkiisii qunsuliyadda ayaa la gu dhex jarjaray, hilbihiina meesha waa la ga saaray oo waxaa la gu wareejiyay cid Turkiga joogta. Baadhista Xeerilaalintu wax ay gaadhay in kuxigeenka sirdoonku ciidankaa amray in Khaashuqji xoog iyo xeeladba dalka la keeno. Xeerilaalintu wax ay dacwad ku oogaysaa 11 eedaysane oo ay codsatay shan ka mid ah in dil la gu xukumo”.

DULDULEELLADA KA MUUQDA…

Marka hore wax ay ina lee yihiin ciidanka waxaa loo diray in ay ninka ku soo qanciyaan ku soo noqoshada dalka, haddana is la markiiba wax ay qireen in xoog iyo xeeladba la gu soo celin lahaa.

Wax ay sheegeen in kuxigeenka sirdoonku ciidanka diray, taas oo ah wax mustaxiil ah, xaqiiqaduna waa in ay Ibn Salmaan oo amarka bixiyay u xilqariyaan. Wax ay sheegeen in kuxigeenka sirdoonku bixiyay amarka ah “xoog iyo xeeladba”, haddana wax ay lee yihiin amarka dilka waxaa bixiyay hoggaamiyihii kooxda.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahin Hawd Yuusuf

Hadalsame Media