LIVE: Theresa May oo uu xaalku ku xun yahay & dagaal sokeeye oo ka dhex qarxey Xisbiga talada haya! + Sawirro

0

(London) 15 Nof 2018 – Theresa May ayaa u dagaallamaysa nolosheeda siyaasadeed, kaddib markii ay dagaal u caddaysteen kooxda Brexiteers loo yaqaan ee doonaya in aanay Britain dib ugu noqon saamaynta Midowga Yurub, taasoo keentay inay laba wasiir is casilaan si loo tuuro iyada.

RW May ayaa iminka sugaysa in uu xisbiga Tory u qaado codka kalsoonida maaddaama ay doonayso inay sii ambaqaaddo heshiiska Brexit xitaa kaddib is casilaadda Dominic Raab iyo Esther McVey oo iyada ku eedeeyay inay u hoganayso wax ay ku sheegeen ‘rakaatada Midowga Yurub’.

Waxaa xitaa soo baxaya warar sheegaya in Michael Gove uu ganafka ku dhuftay inuu qabto xilka la iska casiley ee Xoghayaha Brexit, isagoo ku doodaya in gebi ahaanba dib loo bilaabo wada xaajoodka Yurub iyo Britain.

Mrs May ayaa haatan qabanaysa shir jaraa’id qabanaysa iyadoo dhinac ka geleeysa dagaalka sokeeye ee xisbiga muxaafidka ah, haddii ay dalbato in codka kalsoonida loo qaado.

Britain ayaa gashay qaaquullo siyaasadeed oo ay gacanteeda ku samaysatay kaddib markii ay mar qura ka baxday Midowga Yurub taasoo ay fasiraad macquul ah u waayeen dadka u dhuun daloola arrintan.

Hadalsame Media