Premier League clubs have agreed in principle to introduce Video Assistant Referees (VAR) to the competition in the 2019/20 season
More: https://t.co/7quBY0hQ7f pic.twitter.com/HSBDrgXhQD
— Premier League (@premierleague) November 15, 2018
Iminka horyaalka English Premier League ayaa kusoo biiray horyaallada adeegsanaya VAR wixii loo gaaro fasalka soo aaddan ee 2019-20, waxayna kusoo biirayaan horyaallada ugu horreeya ee hannaankan adeegsadey sida Bundesliga, Serie A, La Liga, Ligue 1, Portugal Primeira Liga, iyo horyaalka Maraykanka ee MLS.
VAR ayaan guud ahaan ku cusbayn ciyaaraha Ingiriiska maaddaama laga adeegsado dhanka FA Cup iyo EFL Cup, balse waxaa kusoo kordhay Premier League oo wadey tijaabooyin aan toos ahayn fasalkan oo dhan.
Dadka VAR diiddan ayaa dood ka qaba inuu ciyaarta qaso oo uu marar badan joojiyo habsami socodka ciyaarta, balse dadka u doodaya ayaa qaba in uu ugu yaraan cillad bixin u yahay ciyaarta, haddii si sax ah loo adeegsado.
Hadalsame Media