
(Washington, DC) 15 Nof 2018 – Maalmihii wacnaa ee awoodda ciidan ee Mareykanka oo iminka shaki la galinayaa, iyadoo la sheegay inay wax badani iska beddeleen cududdiisa.
Maraykanka ayaa la sheegay in aanu Hal mar gali karin labo dagaal oo ruushka iyo shiinaha ah islamarkaanaa ayba dhici karto in xitaa aanu mid mid ula dagaali karin.
Xog laga helay Kongarayska ayaa tilmaameysa in wasaarada difaaca ee mareykanka aanay dhaqaalo ahaan iyo istiraajiyad ahaan u diyaarsaneyn in ay wado labo dagaal oo ruushka iyo shiinaha ah
Warbixintu waxa ay sheegtay in hada uu isbeddel wayni ku socdo muruqweynaantii Maraykanka ee dunida.
Waxaa Diyaariyay: Mohamed Dhoore
Hadalsame Media