(Muqdisho) 14 Nov 2018 – Wasiirka Waxbarashada ee dowladdaFederaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.
Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa hay’adda USAID oo laga lee yahay dalka Mareykanka. Agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya ayaa munaasabadda goobjoog ka ahaa.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in lacagtaan loogu talo galay in lagu horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed.
“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradda Waxbarashada way ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka”.
Hadalsame Media