(Milano) 13 Nof 2018 – Kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ayaa la sheegay inay dejiyeen qorshe ku kacaya €200m oo euro oo dib u qaabayn buuxda loogu sameeynayo gegada San Siro, iyagoo yareeynaya qaadka garoonka, balse ku daraya dhismayaal kale oo ganacsi.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay labada naadi waxay si rasmi ah u xaqiijiyeen inay sahminayaan dookhyo ku aaddan mashruuc garoon cusub oo wada jir ah, kaasoo noqon kara mid gebi ahaanba cusub ama dib u qaabaynta Giuseppe Meazza.
Iminka, warqaadka Il Sole 24 Ore, ayaa xaqiijinaya inay doonayaan inay 99 sano la wareegaan dhulka garoonka San Siro, halkii ay ijaaran lahaayeen sida haatan.
Taasi waxay la mid tahay sida ay yeeshay Juventus markii ay bilaabaysay dhismaha garoonkeeda cusub, waxayna naadiyadan u baajinaysaa lacag uga bixi lahayd dhismaha garoon cusub, iyadoo aanay dowladda hoosena luminaynin dakhliga ay haatan helaan.
Mashruucan ayaa la mid ah mid ay Nerazzurri diyaarisay 2015, waxaana garoonka lagu sameeynayaa dib u qaabayn buuxda muddo 4 sanadoo ah, iyadoo la tuurayo qaybta sare si qaadka garoonka loogu soo koobo 65,000 oo taageere, si boos loogu helo dhismayaal kale oo dakhli soo saara.
Lacagta guud ee ku baxaysaa waa €200m, taasoo ay qaybsanayaan Inter, Milan iyo dowladda hoose ee Milano, iyagoo sidoo kale lacag kale ka heli doona iibinta magaca garoonka.
Maadaama ay labadan kooxi yihiin kuwa ugu daawadayaal badan dhanka garoomada Talyaaniga, waxaa la saadaalinayaa in sanadkii laga heli doono €100m oo euro, taasoo ku dhowaad kala bar ka ah waxa ay Juventus iminka garoonkeeda ka hesho oo ah €55m.
Hadalsame Media