(Adis Ababa) 13 Nof 2018 – Waxaa socda isbeddel xawaare ku socda oo ay Itoobiya hormood ka tahay oo ka muuqanaya gobolka Geeska Afrika.
Isbeddelkaas oo weli ku jira marxaladdii uur ku jirka, ayay dad badani ka bixiyeen aragti isku dhafan oo kala dheer. Dadka qaar ayaa soo dhowaynaya iyagoo u arkaya mid ay dalalka gobolku muddo dheer ka hor u baahnaayeen inay is kaashadaan halkii ay khilaaf iyo dagaal ku jiri lahaayeen.
Qolo kale ayaa ku doodaysa in tusaale ahaan Soomaalida looga baahan yahay inay marka hore iyagu is helaan, ka hor inta aysan ka fikirin qaabka uu noqonayo xiriir kasta oo ay la yeelanayaan dalalka deriska, gaar ahaan, marka ay timaaddo inuu dhoco is dhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo Geeska ka hana qaada.
United States of the Horn, the union of Hamitic people ? #HornOfAfrica #Ethiopia #Somalia #Eritrea #Djibouti pic.twitter.com/3KQFrMszb1
— The Ethiopian Dream (@Lekrest1) November 10, 2018
Yeelkeede, qolo Itoobiyaan ah oo gayfanayaal ah oo lagu magacaabo ”Riyada Itoobiya” oo ka jira dhanka baraha bulshada ayaa sheekadiiba gudbiyay, iyagoo soo qoray in loo socdo dhanka ”midow guud oo dhex maraya dalalka la isku yiraahdo Geeska Afrika oo kala ah Itoobiya, Somalia, Jabuuti iyo Eritrea.”
Waxaa sidoo kale horay suuqa ugu jirey war aan la hubin oo sheegayay in Dr Cabbeey, RW Itoobiya, uu meel uga khudbeeyay inay ”midoobayaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.”
Towards the union of Eritrea, #Ethiopia, #Somalia :
United States of the Horn ? pic.twitter.com/EUGiMeqMvh— The Ethiopian Dream (@Lekrest1) November 10, 2018
Qarsoodi ma aha inay Itoobiya abid lahayd riyo ku aaddan inay bad hesho iyo in ay noqoto cududda ugu saamaynta badan gobolka (regional hegemony), balse waxaa shaki ku jiraa qadiyadda Soomaalida oo noqotay umad aan lahayn mabda’ muuqda oo ay isku raacsan tahay, taasoo kaashanaysa hoggaan xumi umadda la degtey iyo dadka oo aan lahayn han ka badan xil uu hebelkaasi helo ama hayo.
Hadalsame Media