(Rangon) 13 Nof 2018 – Amnesty International ayaa Aung San Suu Kyi ka xayuubisay billad sharaf sare oo ay siiyeen iyagoo aad ugu dhaliilay “sida ceebta badan ee ay uga laabatay mabaadii’ ay beri u taagnayd,” sida ay sheegtay ha’yaddan oo UK saldhigata.
Xoghayaha Guud ee Amnesty, Kumi Naidoo, ayaa warqad toos ay ugu dirtay Suu Kyi, oo ahayd qof muddo u taagnayd isbeddel dimoqraadi ah ah oo ka dhaca Myanmar, waxay ku qortay in laga xayuubiyay darajadii abaalmarinta ahayd ee Amnesty International Ambassador of Conscience Award, oo la guddoonsiiyay 2009.
“Maanta, waxaa si wayn noo niyad jebisey inaadan hadda kaddib ahayn astaan u taagan rajo, geesinnimo iyo difaac aan dhiman oo dhanka xuquuqul insaanka ah,” ayay Naidoo qortay.
“Amnesty International uma qiil samayn karto inaad sii haysato darajadaas Danjiraha Damiirka marka innagoo aad uga xun waannu kaala noqonnay,” ayay raacisay.
Amnesty ayaa dhaleeceeysay haweenaydan haysata billadda Nabadda ee Nobel-ka inay ku fashilantay inay adeegsato “awooddeeda siyaasadeed iyo midka anshax” si ay u dhowro xuquuqda dadka laga tirada badan yahay Rohingya-ha oo ah dad Muslim ah oo guryohoodii la gubey, la laayay, la kufsaday, dalkana laga eryay.


Hadalsame Media