SAWIRRO: Dowladda Soomaaliya oo maxaabiis kale ka soo daysay xabsiyada Uganda

0

(Muqdisho) 13 Nov 2018 – Xukuummada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Xabsi ku yaalla Dalka Uganda ay ka soo deyso 6 Muwaadin oo Soomaali ah kuwaas 4 sanno ku xirnaa Xabsi ku yaala halkaasi.

Muwaadiniintaan ayaa ku eedeysanaa dambiyo kala duwan waxaana magacyadooda lagu kala sheegay sidaan.

1-Mohamed ahmed gele

2-Abdi abdulahi bootan

3-Mohamed abdulqaadir xirsi

4-Mohamed yuusuf faarah

5- Yuusuf osman hussen

6-Xasan abdiwali mohamuud calanwade.

Hore dowladda Soomaaliya waxay ugu guulaysatay in maxaabiis fara badan ay ka soo dayso xabsiyo ku yaala Itoobiya,Libya,Kenya iyo kuwo kale.

Hadalsame Media