Howlgallo laga sameeyay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir (Sababta)

0

(Muqdisho) 13 Nov 2018 – Ciidamada amniga ayaa howlgallo saf balaaran ah ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Magaaladda Muqdisho kadib dil ka dhacay halkaasi shalay galinkii damnbe.

Ciidamada ayaa la sheegay inay qabteen dad badan oo looga shakinsan yahay inay ku lug leeyihiin falalka amni darro ee degmadaasi ka dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkii shalay ka dhacay xaafada Horseed ee degmada Waaberi.

Shacabka degmada Waaberi ayaa shalay ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah labo ruux oo dil ka gaystay degmada Waaberi halkaasi oo si arxan darro loogu qaariyay wiil dhalinyaro ahaa oo ka tirsanaa shaqaalaha degmada.

Hadalsame Media