“Goobjoog waa nagu been abuuratay!” – Wasaaradda Ganacsiga oo tillaabo sharci ah ku goodisey!

0

(Muqdisho) 13 Nof 2018 – Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ayaa ganafka ku dhufatay war ay ku tilmaantay been abuur oo ay baahisey idaacadda Goobjoog ee Muqdisho.

Wasaaradda ayaa boggeeda rasmiga ah ee Facebook kusoo qortay sidatan:

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada waxay cadaynaysaa Warka xaqiiqada ka fog ee ay Daabacday Warbaahinta Goobjoog inaan waxba ka jirin oo ay been la dhoodhoobay tahay.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu waxay Koranta ahaan u Isticmaasha Mator’s tayadooda la hubiyay dadaalna ay ku bixinsay ilaalinta daryeelkooda, taasi waxay cadayn ku filan u tahay qoraalka been abuurka ah ee lagu sheegay in aanu bixin waynay lacagta konrantada ee Shirkada Beco.

Wasaaradda ayaa ku gooddisey tillaabo sharci iyadoo leh:  “Waxaanu kalo warbaahinta Goobjoog kula xisaabtami doonaa Boodhka Wasaaradda
Ay Sawir ahaanta u isticmaashay waana xag gudub iyo ma’aamarad, hadii aanay raali gelin ka bixin.”

Hadalsame Media