
(Strasbourg) 13 Nof 2018 – Musaafiriinta British-ka ah ayaan u baahan doonin wax dal ku gal ah marka ay u safrayaan dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan joogitaannada gaaban ee 90-ka cisho ah ee dalxiiska iyo ganacsiga ah, xitaa haddii aan labada dhinac heshiis gaarin kaddib Brexit, sida Yurub kasoo baxday.
Guddiga Yurub ayaa Britain ku daray dalalka aan Fiisaha laga rabin kulan ay galabta ku yeesheen Strasbourg, balse waxay taasi ku xiran tahay UK oo sidoo kale u yeesha 27 dal oo Midowga Yurub ah, waloow uu go’aankani ogolaansho ka rabo dalalka ururkan ku jira.
Yeelkeede, waloow aysan Fiise uga baahnayn dalalka ku jira heshiiska Schengen, misna dadka British-ka ah haddii ay Yurub ka baxaan waxay u baahnaan doonaan in shakhsi ahaan qaab elektaroonig ah baaritaan loogu sameeyo qofka soo safraya si hordhac ah (electronic travel authorisation).
Hannaankan oo la yiraahdo Etias – the EU Travel Information and Authorisation System – una dhigma midka Maraykanka ee US Esta ayay Yurub u dhaqan gelinaysaa sababo amaan dartood.
Muddada ay dadka British-ka ihi xaq u yeelan karaan inay ku noolaadaan, ka shaqaystaan ama ku dhex socdaan Midowga Yurub waa su’aal ka gaar ah arrintan; waxaana lagu xallin doonaa wada xaajoodyada mustaqbalka dhow qaabayn doona xiriirka labada dhinac haddii ay lacalla is furaan, kuwaasoo bilaabmaya sanadka soo aaddan.
“Haddii ay dhacdo in UK ay Yurub ka baxdo heshiis la’aan, wuxuu heshiiskani dhaqan gelayaa 30-ka Maarso 2019, balse haddii heshiis la gaaro wuxuu bilaabmayaa dhamaadka xilliga kala guurka ah.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Komishinka Yurub.
“Hindisahani wuxuu ku shuruudaysan yahay in ay UK iyaduna Fiise la’aan ogolaato dhamaanba dalalka ku jira Midowga Yurub ee EU27 iyadoo aan kala saari karin, haddii ay dalxiis ama ganacsi u tegayaan UK (principle of visa reciprocity).” ayay raaciyeen.
Niddaamka Fiise la’aanta ah ee 22 EU ayaa waxaa adeegsada dalalka ku jira Eeryada Schengen iyo 4 dal oo iskaashi la leh Schengen oo ah Iceland, Liechtenstein, Norway iyo Switzerland. Waxay sidoo kale khuseeysaa dalalka Romania, Bulgaria, Croatia iyo Cyprus, oo ka baxsan Schengen balse la shaqeeya.
Hadalsame Media