CUNSURIYAD CADDAAN AH: Haweenay Soomaaliyeed oo laga eryey Xafiiska Boostada Milano!

0

(Milano) 13 Nof 2018 – Warsidaha L’espresso ee Talyaaniga kasoo baxa ayaa sheeko uu qoray cinwaan uga dhigay: ”Talyaaniyad madow oo laga eryey xafiiska boostada.” Dhacdadani waxay dhacday jimcihii 9-kii bishan, bartamaha magaalada Milano.

Haweenaydan oo asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya, wejigeedu wuxuu ahaa mid la aqoonsan karo oo ma wadan niqaab, laakin agaasimuhu wuu cayriyay welibana wuxuu ula dhaqmay si xun.

Haweeyneydu waxay tusisay kaarkeeda aqoonsiga, balse lagama yeelin. Cunsuriyiintu mararka qaar waxay ku khaldamaan dadka Madowga ah mana aaminaan inay haystaan dhalasho Talyaani ah.

Dr. Giuseppe De Luca agaasimaha xafiiska boostada ee wadada Porta Ticinese ayaa ah ninka ku khaldamay haweenayda Soomaaliyeed oo u shaqeeneysay labo ruux oo qareenno ahaan jireen laakiin hadda howlgab gab ah.

Haweenaydan dhowr meel oo hore ayay cunsuriyad kala kulantay sida Farmashiyeyaasha, dukaamada iwm, waxay dadka qaar ku dhihi jireen dalkaada u laabo, balse tan xafiiska boostada ku qabsatay way la ilmeysay in badan.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed

FG: Haweenayda magaceeda iyo sawirkeeda wargaysku ma faafin

Hadalsame Media