Wararkii ugu dambeeyay xaalada gobolada Mudug iyo Galgaduud oo dilal iyo dagaal beeleedyo ay ka dhaceen

0

(Muqdisho) 12 Nov 2018 – Wararka ka imaanaya degmooyinka Hobyo, Afbawaaqo, Balanbale iyo Cadaado ayaa sheegaya inay halkaasi ay ka socdaan dadaalo wax looga qabanayo shaqaaqooyin dhiig ku daatay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Isku dhacyadaan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayaan aanooyin qabiil. Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay degmooyinka Hobyo iyo Cadaado waxaana falkaasi gaystay kooxo maleeshiyo ah oo qaab qabiil u abaabulan.

Dhinaca kalena waxaa dagaal beeleed dhiig ku daatay uu ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Balanbale ee gobolka Galgduud halkaas oo labo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen.

Madax ka tirsan maamulka khilaafku ragaadiyay ee Galmudug ayaa baaqyo u diray dhinacyada ku dagaalamay nawaaxiga Balanbale iyagoona sheegay in si sharuud la’aan ah ay u jooojiyaan colaada.

Hadalsame Media