‘War neefta ayaa igu dheggane bacda madaxa iiga saara!” – Codkii ugu dambeeyay ee Khashuuqji & qaabkii loo diley oo la kashifay!

0

(Istanbul) 12 Nof 2018 – Madaxa Baaritaanka warsidaha Turkish-ka ah ee Daily Sabah ayaa Al Jazeera u sheegay in erayadii ugu dambeeyay ee weriyehJamal Khashoggi ay ahaayeen “Waan cabbursan ahay … Bacdaan madaxa iiga bixiya”, sida laga helay cod laga helay wixii ka dhacay gudaha Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Khashoggi, oo ahaa weriye Sucuudi ah, ayay iminka u egtahay in neefta lagu dhejiyay ilaa uu ka dhinto kaddib markii madaxa loo geliyay bac, sida uu sheegayo, Nazif Karaman oo la hadlay Al Jazeera.

Karaman wuxuu sheegay in ay 7 daqiiqo uun qaadatay inay naftu ka baxdo weriyaha, sida ku cad codka, kaasoo uu Sabtigii sheegay madaxwayne Recep Tayyip Erdogan in lala wadaadey dalalka, Maraykanka, Germany, France, Britain iyo xitaa Saudi Arabia oo uu sheegay in ay og yihiin inuu dilaagu ka mid yahay 15 ay soo direen.

 

Karaman ayaa sheegay in deeto sida loo badinayo aashito lagu dhumbiyay si loo qariyo. qaybo ka mid ah maydkii Khashuuqji, iyadoo raadad aashito laga helay guriga Qunsulka Guud ee Istanbul ee Sucuudiga.

Karaman ayaa ballan qaaday in Daily Sabah uu dhaqse u daabici doono muuqaallada qalabkii ay 15-ka Sucuudigu siteen ee loo adeegsadey khaarajintii qaylada badan dhalisay ee Khashuuqji.

Hadalsame Media