(Muqdisho) 12 Nov 2018 – Qaar ka mid ah dadwaynaha ku nool degmada Waaberi ee Magaaladda Muqdisho ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah labo nin oo dil ka gaystay galabta xaafada laanta Horseed ee degmadaasi.
Kooxdan oo ku hubeysneed Bastooladdo ayaa dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Deeqow kaasoo sida la sheegay ahaa xoghayaha waaxda Horseed ee degmada Waaberi
“Dadweyne ka carooday dilka Deeqow ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah ragga dilka geystay, waxayna ku wareejiyeen taliska booliska degmada Waaberi,” sidaas waxaa yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa tagay saldhigga booliska degmada Waaberi, waxayna shacabka uga mahadceliyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen.
Ninkan ayaa waxaa loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana hay’adaha ammaanka ay xaafadaha degmadaasi ka sameeyeen baaritaan iyagoo oo ku daba jira ninka kale ee baxsaday.
Waa markii ugu horeysay ee shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho ka dhiidhiyaan falalka arxan darrada ah iyo dililka qorsheysan ee ka dhaca Magaaladda Muqdisho.
Hadalsame Media