Kenya Airways oo ka mid noqotay duullimaadyada caalamiga ah ee Somalia taga

0

(Nairobi) 12 Nof 2018 – Shirkadda Duullimaadyada Kenya Airways ayaa sheegtay inay Khamiista bilaabayso duullimaaydo toos ah oo ay ku tegeyso magaalada Muqdisho, iyadoo ka duulaysa gegada JKIA subixii 07:40 am, Muqdishana imanaysa 9:55 am.

Waxay misna garoonka Muqdisho ee Aden Adde International Airport, kasoo duulaysaa 10:45am iyadoo Nairobi imanaysa 1:00pm. KQ, oo ah baaqa caalamiga ah ee shirkaddan, ayaa Muqdisho u qoondaysay dayuuradda Bombardier Dash 8 Q400 si loo fududeeyo isu socodka labada magaalo, sida uu qabo Agaasimaha Guud ee KA Sebastian Mikosz.

Kenya ayaa sheegtay inay tani gacan ka gaysanayo sidii ay Kenya u barbarrayn lahayn ganacsiga labada dal oo ay Somalia haatan hoggaanka u hayso, sida qoraalka lagu sheegay, iyadoo ay Somalia dalkaa u dhoofiso hanti ku fadhida Sh99.8 bilyan oo shilinka Kenya ah, waloow waxyaabaha ay Kenya u dhoofiso Somalia ay kordheen 33.5% qaybta hore ee sanadkan.

Hadalsame Media