Fursadaha iyo caqabadaha gudaha ee ku xeeran tartanka dullimaadyada casriga ah ee ku soo qulqulaya Magaaladda Muqdisho (Falanqeyn)

0
Lufthansa Airbus A300 B2. Bei Lufthansa von 1976 bis 1984 in Service. Foto: LH-Bildarchiv / Lufthansa: 1976 D 117-13-91

(Muqdisho) 12 Nov 2018 – Diyaaradda caalamiga ah ee Ethiopian airlines ayaa muddo ka badan 41 sanno kadib waxay dullimaad rasmi ah ka bilowday Soomaaliya iyadoona ku xireysa caalamka iyo gobolka intiisa kale. Waxay noqonaysaa tallaabo kale oo muujinaysa muuhiimadda suuqa Soomaaliya oo u muuqda in dib uu ugu soo laabanayo fagaarayaasha caalamka.

30 sanno ayay Soomaaliya dhinac kasta ka dambeysaa dunida inteeda kale waxaana taas sabab u ah dowlad la’aan iyo colaad sokeeye oo dalka la dagay, Tiiyoo ay burbureen guud ahaan kaabayaashii dhaqaalaha sida garoomaddii iyo dekaddiihii, dalkuna wuxuu u kala go’ay unugyo yar yar oo aan isku xirnayn.

Laakin 7-dii sanno ee la soo dhaafay waxaa isbedelay dareenka fahamka bulshada caalamka iyo guud ahaan Soomaalida, kadib markii ay soo baxday in loo baahan yahay dowladnimo Soomaaliyeed waxaana taas soo dedejiyay sharci la’aanta ka jirta dhulka oo sababtay soo if bixida kooxaha burcad badeeda iyo kuwa Islaamiyiinta ee mitidiinta ah sida Shabaab. Burcad badeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay suuqyada caalamka, hoos u dhac dhaqaale ayaana dunida ku dhacday markii burcad badeedku dhuunta u galeen maraakiintii ganacsiga.

Sanadkii 2011 waxaa Soomaaliya ka dhacay Macluul darran waxaana u dhintay boqolaal ruux oo u badan carruur iyo haween, waxaana dhacdooyinkii sanadkaas soo jiiteen dowlado badan oo ka baxsan qaraadda Afrika.

Turkiga ayaa ugu horeeyay dowladdahaasi waxaana xiligaas oo ay dalka ka jirtay dowladdii Madaxwayne Sheikh Shariif Sheikh Axmed Magaaladda Muqdisho soo gaarey wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay madaxwaynaha waqtigaan ee Turkigan Ordogan.

Madaxwayneha Turkiga ayaa indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya waxaana uu tusay dareen ka duwan kii markii hore laga aamisanaa oo ahaa inaan cag la dhigi Karin Soomaaliya.

Qoyskiisa ayaa safarkiisa qeyb ka ahaa waxayna dareenka la wadaageen kumanaan ku soo barakacay Magaaladda Muqdisho. Turkiga ayaa gacan mug leh ka ciyaarey samatabixinta nafaf badan oo Qatar ugu jiray inay gaajo u dhintaan.

Markii laga baxay macluushii turkigu Soomaaliya kama tagin waxaana kaalintiisii gargaarka uu ku bedelay mid maalgalin si loo joogteeyo la joogista shacabka Soomaaliyeed oo aan kaliya loo imaan xilliyada baahida.

Shirkadaha Turkiga ayaa maalgashi balaaran ku sameeyay dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho waxayna xooga saareen illaha dhaqaale sida Airportka iyo dekadda. Waxay dhiseen iskuulo iyo goobo wax lagu barto.

Markii ugu horeysay ayay diyaaradda Turkish Airways ku dhawaaqday inay dullimaad casri ka billaabayso Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho waana ay ka dhabeysay iyadoona noqotay marinka isku xirka caalamka fog iyo Soomaaliya.

Soomaalida qurbajoogta ah, dadka doonaya inay caafimaad u raadsadaan dunida fog, siyaasiinta Soomaalida, bahda waxbarashada iyo madaxda caalamka ayaa si weyn uga maqsuuday adeegyada diyaaradda Turkish Airways.

Tartanka Ganacsiga gobolka

waxaa Soomaaliya u furmay albaabo badan oo dhanka ganacsiga la xiriira waxaana soo badanaya baahida suuqyada caalamku u qabaan inay Soomaaliya maalgashadaan. Haddiise aan eegno dhanka shirkadaha Duullimaadka. Waxaa soo xoogeysanaya shirkadaha caalamiga ee dullimaadka sameeya sida kuwa gobolka. Diyaaradaha rakaabka qaada ee Itoobiya ayaa billaabay inay Soomaaliya ku soo dhiiradaan 41 sanno kadib.

Waxaa maalmo kahor xariga looga jaray garoonka caalamiga ah ee Muqdisho international airport adeeg cusub oo ay diyaaradda Ethiopian Airways sameyn doonto. Waxay safar caalami ah ku tagtaa in ka badan 140 dal oo dunida ka tirsan.

Go’aanka Ethiopian Airways waxaa uu ku soo beegmayaa xili isbedelo siyaasadeed ay sidoo kale ka dhacayaan geeska Afrika waxaana dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria ay sameeyeen wax ku cusub taarikhda gobolka kana duwan taariikhdii hore oo ahayd colaad, fowdo iyo muran dhuleed.

Go’aanka diyaaradda Ethiopian Airways waxaa sidoo kale uu soo dedejin karaa in shirkado kale oo caalami ah oo dhanka duullimaadka ah ay ku soo dhiiradaan Soomaaliya.

Taas waxaa cadeyn u ah, in diyaaradda Kenyan Airways ay iyana ku dhawaaqday inay billaabayso dullimaad ay ka sameyneyso Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Muqdisho. Kenyan airways waxay ka mid tahay diyaaraddaha ugu horeeya Afrika waxayna dullimaadyo caalami ah ka sameysaa ku dhawaad 160 dal oo dunida daafaheeda ah.

Fursadaha

  • Dhaqliga gudaha Soomaaliya oo kordha
  • Wacyiga fahanka maalgashadayaasha dunida ee Soomaaliya oo isku bedela mid wanaagsan
  • Yareynta faqriga gudaha iyo shaqo abuur
  • Ku dhiiragalinta duullimaadyo kale oo caalami ah oo yimaada Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo kan dheer
  • Habsami socodka isku xirka gobolka, Soomaaliya iyo dunida fog
  • Is-dhexgal dhanka dhaqaalaha ah.
  • Yareynta qarashaadka duullimaadka xagga tikidhada, Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka
  • Sare u qaadista Isku furanka ama isku socodka bulshada gobolka iyo dunida inteeda kale.
  • Kobac Kanacsi, Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka/Gobolka

 Caqabadaha gudaha

  • Garoonka Aden Cade International airport oo u baahan in dhismhiisa la balaariyo bacdamaa la filayo in duullimaad badan ku soo hirto si la mid ah garoomadda Kenya iyo Itoobiya
  • Amniga garoonka iyo guud ahaan caasimadda oo u baahan in la hagaajiyo, wax badana lagu soo kordhiyo si looga hortago fashil amni oo hor istaaga maalgashiga caalamiga ah.
  • Arrigtada bulshada gudaha ee ku aadan danaha dowladdaha dariska oo loo baahan yahay in wacyigalin badan laga sameeyo, loona tusiyo dhinac san (Positive perspective thinking)
  • Shirkadaha diyaaradaha Soomaalida oo laga yaabo inay hinaasaan iyagoon awoodin in tartarn furan oo caafimaad qaba ay la galaan shirkadaha caalamiga ah ee dullimaadka
  • Isla shirkadahaasi duullimaadka Soomaalida oo aan lahayn isku xir, Hanaan iyo iyo Han sare oo maalgashi, laguna eedeeyo adeeg xumo iyo ka faa’iideysasho sharci darraddii iyo dowlad la’aantii dalka soo martay

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay dani ugu jirto in albaabada ay u furto guud ahaan dunida inteeda kale gaar ahaan dhanka ganacsiga taasoo qeyb ka qaadan karta dib u soo gabashada dalka, gacana ka gaysan karta yareynta faqriga gudaha iyo shaqo abuurka.

By Mohamed Odowa

Hadalsame Media