Dowladda Kenya oo dabagal ku haysa lacag Kenya laga xado oo lagu qarsado dalal ay Somalia ku jirto!

0

(Nairobi) 12 Nof 2018 – Dowladda Kenya ayaa qortay ugu yaraan 7 dal oo ay lacagi u taallo siyaasiyiin iyo ganacsadayaal caan ah oo ay iminka doonayso inay faahfaahiyaan sida ay ku timid.

Qorshe lagu doonayo in lagusoo nooleeyo isku day horay u fashilmay oo ku aaddanaa in la kashifo kaashka dibedda lagu Sunday Nation u sheegay in aysan hadda kaddib jiri doonin meel lagula dhuunto maalka la soo xado, gaar ahaan lacagaha la dhigto khasnado ku yaalla dibedda.

Waxaa yaab leh in dalalka lacagahaa la xaday lagu qarsado ay ku jirto Somalia waxaana dalalka oo ay 7 ugu wayn tahay guud ahaan lagu sheegay Australia, Belgium, Brunei, Canada, Finland, Germany, Grand Cayman, Israel, Italy, Japan, Jersey, Liechtenstein, Liberia, Luxembourg, Malawi, Namibia, the Netherlands, Puerto Rico, Russia, Somalia, South Africa, Sudan, Switzerland, the UAE, Uganda, the United Kingdom, Maraykanka iyo Zaire.

Hadalsame Media