DAAWO: ”Wiilal yar yar baa Itoobiya naga soo xidhay!” – Faysal C Waraabe

0

(Hargaysa) 12 Nof 2018 – Guddoonka Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay madal lagusoo bandhigayay buug laga qoray weriyihii geeriyoodey Axmed Xasan Cowke (AUN) ayaa sidii lagu yaqaanneyba arrimo kale taataabtay.

Faysal ayaa aad u dhaliilay in sida uu yiri ay wiilal yar yar oo hadda soo baxay ”kasoo xireen Itoobiya” oo uu gacal dhow uga dhigayo Somaliland, isagoo sidoo kale ka hadlay arrimo kale oo uun ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed iyaga la isku calloqo iyadoo la adeegsanayo aragtida bilaa miraha ah ee ”Annaga & Ayaga”.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa waqti badan ka lumiya iskuna dila siyaasi aan lahayn han iyo hoggaamin ka badan san dareerto yar oo uu isagu ku noolaado, xitaa haddii ay noloshiisaasi tahay mid ihaano iyo urugo u keenaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo hadalka Faysal….

Hadalsame Media