(Roma) 12 Nof 2018 – Waxaa la filayaa in la qabto kulan madaxeed u dhexeeya garsoorayaasha iyo macallimiinta kooxaha Serie A, si ay uga xaajoodaan go’aamo badan oo muran dhaliyay dhanka VAR.
Hannaankan Kaalinta Muuqaalka ah ee Garsoorka (Video Assistant Referees) ayaa Talyaaniga laga hirgeliyay bilowgii fasalkii tegey, balse sanadkan waxaa dhacay dhowr shil oo lagu murmay.
Tusaale, shalaytoole waxaa VAR loo eegay khalad uu Kostas Manolas ka galay Gaston Ramirez ciyaartii Roma-Sampdoria, waloow uusan muuqanin “khalad cad oo dhacay”.
VAR waxaa sidoo kale loo adeegsaday dib u eegista kubad toog ahayd oo uu Stephan El Shaarawy ku dhuftay gacanat Omar Colley. Waxaana la dhigay rigoore, balse VAR lalamaba tashanin kulamadii Chievo-Bologna iyo Atalanta-Inter.
Waxaa dheer, AC Milan waxaa loo dhigay rigoore muran kaddib kulankii Juventus kaddib markii VAR la eegay, balse haddiiba rigooraha la dhigay taa micneheedu waa in la xukumay in Medhi Benatia uu kubadda kas u gacmeeyay, taasoo ay ahayd inuu jaallaha labaad iyo rooso isku qaato maadaama uu horay u jaallaysnaa, mase dhicin.
Waxaa kale oo jirey rigoore ay Milan u qaylinaysay oo aan isna la eegin iyo sidoo kale jaallihii Higuain ee roosada keenay oo u muuqday mid jilacsan, balse VAR lama eegin.
Yeelkeede, sida ku dhigan Gazzetta dello Sport, fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ayaa loo adeegsan doonaa fursad ay ku kulmaan macallimiinta iyo garsoorayaasha Talyaanigu, si qaab inta hore ka cad kana daah-furan loogu fahmo go’aannada VAR.
Hadalsame Media